Back to All Articles

Participating in the Global Somali Diaspora Conference in Brisbane

Farah Warsame shares reflections from the 2026 Global Somali Diaspora Conference in Brisbane and its call to empower the next generation.

Somali Community Inc.· 4 min read
Participating in the Global Somali Diaspora Conference in Brisbane

It was a great honour to attend the Global Somali Diaspora Conference held in Brisbane, Queensland, from 4–6 September 2026.

The conference brought together Somali leaders, professionals, academics, politicians and community representatives from Australia and around the world to discuss the future of the Somali diaspora and our role in supporting Somalia and strengthening our communities.

I was honoured to speak on:

“The Future of the Somali Diaspora: Building Strong Communities and Empowering the Next Generation.”

Before travelling to Brisbane, we had the pleasure of welcoming some of the conference guests to Melbourne. My sincere thanks to MMT and GSD Deputy Chair Ahmed Tohow for their effort in making the welcome possible.

I would like to thank everyone who welcomed us in Brisbane, especially Feysal Ahmed Salat, Awes Mooge and the Somali Community of Queensland. A special thank you to the GSD team, led by Chairwoman Jawahir Dahir, vice-chair Ahmed Tohow and Secretary Bazi Busuri for organising such an important and successful conference.

The warm welcomes, dinners, conversations and friendships made the conference truly special.

The conference concluded with a Gala Dinner at the Emporium Hotel, featuring inspiring speeches, recognition and awards. It was also a special pleasure to see Yacqub Hashi, among those who delivered speeches on the night.

I look forward to continuing to work together to build stronger, more connected Somali communities and empower the next generation.

Mahadsanidiin dhammaantiin.


Sharaf bay ii aheyd in aan ka qeybgalo Global Somali Diaspora Conference oo lagu qabtay magaalada Brisbane, Queensland, Australia, intii u dhexeysay 4–6 September 2026.

Shirku wuxuu isu keenay masuuliyiin Soomaaliyeed, hoggaamiyeyaal, aqoonyahano, siyaasiyiin, xirfadlayaal iyo marti sharaf kala duwan oo ka kala yimid Australia iyo meelo badan oo caalamka ah, si looga wada hadlo mustaqbalka Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo doorkeena ku aaddan horumarinta Soomaaliya iyo xoojinta jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Waxaan shirka ka jeediyay khudbad ku saabsan:

“The Future of the Somali Diaspora: Building Strong Communities and Empowering the Next Generation”
Mustaqbalka Qurbajoogta Soomaaliyeed: Dhisidda jaaliyado xooggan iyo awood-siinta jiilalka soo socda.

Kahor inta aan Brisbane loo wada safrin, waxaan magaalada Melbourne ku soo dhaweynay qaar ka mid ah masuuliyiinta Soomaaliyeed iyo martidii shirka ka qaybgalaysay shirkaas. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa MMT iyo Guddoomiye ku-xigeenka GSD, Axmed Tooxow, oo gacan weyn ka geystay soo dhaweynta martida.

Markii aan Brisbane tagnay, waxaa si diiran oo qurux badan noogu soo dhaweeyay Guddoomiye Feysal Axmed Salaad. Waxaan sidoo kale booqanay The Somali House, oo ah xarunta ay ku shaqeyso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Queensland, halkaas oo habeen casho ah iyo is-barasho isugu jirta lagu qabtay. Waxaa isagana halkaas nagu soo dhaweeyay Awes Mooge, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Queensland.

Cashooyinka, is-aragga, wada sheekaysiga iyo iska warqabku waxay ahaayeen kuwo joogto ah intii uu socday shirku, taas oo abuurtay jawi aad u wanaagsan oo walaaltinimo iyo is-dhexgal bulsho ah.

Shirka waxaa lagu soo gabagabeeyay Gala Dinner oo habeenkii Axadda lagu qabtay Emporium Hotel, Brisbane, halkaas oo lagu soo bandhigay khudbado kooban, mahadnaq iyo abaalmarinno lagu sharfayay qaar ka mid ah dadka iyo shaqsiyaadka mudnaa aqoonsiga. Waxaa ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay Yacquub Xaashi, oo ka mid ah dhallinyarada firfircoon ee Jaaliyadda.

Waxaan hambalyo iyo mahadnaq u dirayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Queensland iyo Somali Global Diaspora (GSD) sida wanaagsan ee ay noo martigeliyeen, iyo sida quruxda badan ee ay u soo agaasimeen shirkan muhiimka ah.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan qabanqaabiyeyaasha, gaar ahaan Feysal Ahmed Salat, iyo dhammaan team-ka GSD ee ay hogaamiso Guddoomiye Jawaahir iyo Ku-xigeenka Axmed Toowow, xoghaye Baazi Busuri, dadaalkooda, wada shaqayntooda iyo sida wanaagsan ee ay shirkan u hirgeliyeen.

Waxaan rajaynayaa inaan si wadajir ah uga sii shaqayno dhisidda jaaliyado xooggan, isku xiran, kuwaas oo awood-siinaya jiilka soo socda.

Thank you all.